Guddiga Doorashada Galmudug oo Guddoon Cusub doortay

Magaalada Dhuusamareeb waxaa Galabta ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Galmudug iyo kuxigeenkiisa,guddigaas oo ah kii ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka kuxigeen u doorteen Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga.

Dhinaca kale Guddiga kale ee Maamul u sameynta Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa iyana la filayaa inay guddoon Cusub doortaan.