Guddiga amniga gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay shaaciyeen in roobabkii ka da’ay Gobolkaas uu saameyn weyn ku yeeshay Magalada Boosaaso,isla markaana ay ku dhowdahay inay ka go’do Magaalooyinka kale.
War-Saxaafadeed ay soo saareen guddiga ayaa waxaa ay ku sheegeen in gebi ahaan ay burburtay wadada isku xirta Bosaso iyo gobolada kale ee Puntland, isla markaana wadadaasi ay aheyd mida kaliya ee deegaannada kale looga aado Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Darawalada gaadiidka ayaa waxaa ay uga digeen inay ku safraan wadada xiriirisa Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ilaa laga xaqiijiyo maritaanka wadadaas oo uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobka.
Taliyaha Booliska Gobolka Bari ayaa shalay kormeeray wadadaas,waxana Gaadiidleyda uu ku amray inay joojiyaan isticmaalka wadada,kadib markii Gawaari farabadan ay ku rogmadeen.



