Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland in maanta ay Guddi u saareen xalinta khilaafyada iyo colaadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay u saareen Guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo soo baari doona colaada ka aloolsan Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa beryahaanba waxaa ka taagneyd xiisad colaadeed ee uu ku daatay dhiig, islmarkaana ay ku barakaceen shacab aad u fara badan.
Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay wadaan wada hadalo lagu heshiis lagu dhex dhigayo Maamulada Puntland iyo Galkmudug oo colaadooda ay ka taagan tahay Magaalada Gaalkacyo.