Ma jiraan wax raadad ah oo muujinaya in dawladda Maraykanku ay basaasaysay dhismaha Trump Tower ka hor amaba ka dib doorashadii Maraykanka, sida uu sheegay guddi ka tirsan aqalka Senetka.
Seneter Richard Burr oo ah gudoomiyaha guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray meesha kaga saaray sheegashada ah in si qarsoodi ah loola socday taleefannada Donald Trump.
Sean Spicer oo ah afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykan ayaa sheegay in Trump uu wali ku adkaysanayo sheegashadiisa.
Xoghayaha saxaafadda ayaa diiday in uu aqbalo warbixinta guddiga sirdoonka, isaga oo sheegay in aysan ahayn natiijo baaritaan ka soo baxday.
Galinkii hore ee Khamiista afhayeenka aqalka wakiillada Paul Ryan ayaa sheegay in aysan jirin “dhagaysi noocaas ah” oo lagu sameeyay Trump.
Gudoomiyaha guddiga sirdoonka ee aqalka Devin Nunes ayaa sheegay Arbacadii in uusan rumaysnayn in ay xaqiiqo ahaan u jirto in si qarsoodi ah loola socday dhismaha Trump Tower.


