Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka gobolada Gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir waxa uu amray in ay soo dhisaan Guddiga Amniga heer degmo.
Guddoomiyaha degmada ayaa Guddoomiye ka noqonaya Guddiga Amniga heer degmo oo ay soo dhisayaan Degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in arrintan ay wax badan ka bedeleyso xaalada amni ee magaalada.
Wuxuu sidoo kale sheegay dhammaan Guddoomiye degmooyinka iyo maamulka gobolka Banaadir in ay isla gorfeeyeen arrintan.
Horay waxaa loo dhisay Guddiga Amniga heer gobol, kaasi oo ilaa hada shaqeynaya, wixii xilligaasi ka dambeeyay amniga Muqdisho wuxuu soo noqonayay mid soo hagaagaya.


