Neil Gorsuch wuxuu sheegay inuusan dhageysan doono dadka uu jecelyahay iyo kuwa uusan jecleynLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Neil Gorsuch wuxuu sheegay inuusan dhageysan doono dadka uu jecelyahay iyo kuwa uusan jecleyn
Ninka cusub ee Donald Trump uu u magacaabay maxkamadda sare ayaa sheegay in dadka oo dhan, oo madaxweynaha uu ka mid yahay, aysan ka sareyn sharciga dalkaasi.
Neil Gorsuch ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin qof uu u sameynayo ballanqaad ku saabsan qaabka uu wax u xukumidoono.
Hadalkaas ayuu u sheegay golaha aqalka sare, xilli uu jeedinayay khudbo uu kaga hadlayay waxa uu qabandoono.
Wuxuu sheegay “in uu is casilidoono” haddii madaxweyne Trump uu weydiisto inuu bedelo arrinta muranka uu ka taagan yahay ee ah sharcigaa ogolaanaya in dumarka uurka leh ay ilmaha iska soo xaaqaan.
Mr Gorsuch ayaa sidoo kale “niyad jab” ku tilmaamay weerarka Trump uu ku hayo garsoorayaasha federaalka.
Bishii Febraayo, Trump wuxuu “garsoore isku sheeg” ku tilmaamay xaakin hor istaagay xayiraaddii uu saaray todobo dal oo Muslimiin ah.


