Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Arbacada ee soo socoto oo ay taarikhda ku began tahay 12 Bishaan Luulyo in ay dib u bilawdaan Kulamada Xildhibaanada Aqalka Sare.
Kalfadhiga 2-aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay u daah furan Madaxda Sare ee Qaranka.
Furitaanka ka dib Xildhibaanada ayaa ka doodi doono arrimo badan oo ka mid ah sameynta sharciyada ay ku shaqeynayaan iyo ka qeyb qaadashada kaalinta ay ku leeyihiin dib u eegista Dastuurka Dalka.
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay furitaanka Kulamada Xildhibaanada Aqalka Sare iyo shaqooyinka horyaalla.
Dhanka kale Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Sicir bararka ka taagan degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Sanatarka ayaa sidoo kale sheegay in Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Gobolka Bakool in ay arrintaasi wax ka qabanayaan isla markaana ay rajeynayaan in ay ku guuleystaan sidii loo xalin lahaa Cabashada Shacabka Degmada Xudur iyo Sicir bararka taagan degmadaasi.


