Goolhayaha Chelsea oo ku biiraya koox ka dhisan Waddanka Denmark – Waa kee ?

Goolhaye Matej Delac ayaa ogolaaday inuu u saxiixo kooxda ka dhisan Waddanka Denmark ee AC Horsens marka uu dhammaado heshiiska uu kula jiro naadiga Chelsea.

Sanadkii 2009-kii, waxaa lagu dhawaaqay in Delac u heshiis horudhac ah la galay Blues, iyadoo da’yarkan reer Croatia uu heshiis waqti dheer u saxiixay kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, Delac ayaa ku guuldarreystay inuu hal kulan xitaa ka soo muuqdo kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London, waxaana uu amaah ku qaatay 10 kooxood oo kala duwan tan iyo sanadkii 2010-kii.

25-sano jirkaan ayaa ku biiri doona kooxda Horsens xagaagan, iyadoo kooxdaasi ay fadhiso kaalinta lixaad ee horyaalka Waddanka Denmark ee Danish Premier League.

Delac ayaa si joogto ah ugu ciyaaraya haatan kooxda reer Belgium ee Royal Excel Mouscron xili ciyaareedkan, waxaana uu u saftay 28 kulan.