Ilaa 13 Dukaan oo ay leeyihiin Ajanibta ku nool dalka Koofur Afrika ayaa la boobay Saacadihii la soo dhaafay kadib banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay olka Free State ee Dalkani Koonfur Afrika.
Banaanbaxaya ayaa ka dambeeyay kadib markii Koronto la’aan ay halkaasi ka dhacday, waxaana banaanbaxa uu isku bedelay mid rabshado watay oo sababay in Goobaha Ganacsiga la boobo.
Ilaa iyo hadda lama sheegin in Dukaamada la boobay ay ku jiraan kuwo ay leeyihiin Soomaali, in kastoo ay Gobolka Free State Soomaali badan ku nooshahay, hase ahaatee, waxaa Dukaamada la dhacay badankood leh dad u dhashay dalalka Bangladesh iyo Itoobiya.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dil iyo Boon loogu geystaa dadka Ajanibta ah, haba ugu badnaadaan Soomaalida ku Ganacsatada dalkaas.