Waxaa saakay Xiran Goobaha Ganacsiga Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ka dib markii Haweeney Soomaali ah iyo labadeeda gabdhood dil argagaxleh loogu geystay Maaaladaas
Dilka ayaa waxaa aad uga xumaaday Soomalida dalka Kenya waxaana saakay ciidamo badan la geeyay xaafada Islii si ay u xaqjiyaan Amniga Dadka Isu soo baxa ka dhigaya xaafadaas.
Dhinaca kale Xildhibaan Yuussuf Xassan, Sanatarka Nairobi Edwin Sifuna iyo wakiilka waqooyiga Xaafadda Islii Axmed khadar Dhabar ayaa booqday ehelada Hooyo labadeeda gabdhood iyo gabar ay qaraabo ahaayeen kuwaas oo la afduubtay kadibna si arxandarro loo dilay midba meel gaar laga helay maydadkooda.
Xildhibaan Yuusuf Xassan ayaa ku baaqay in laamaha ammaanka ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan xannuunka badan isla markaana dambiilayaashii sharciga la horkeeno.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa bulshada Xaafadda islii ku reebtay cabsi iyo wal-wal, waana dhacdo ugub ah oo xaafadda aad looga hadal-hayo.



