Muqdisho-RisaalaFM- Kulanka Mudanayaasha Golaha shacabka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn qaar ka mid ah xildhibaanada golaha waxa ay soo jeediyeen in ajendayaasha golaha ee fadhiga maanta laga saaro ansixinta Xisaab xirka 2015/2016-ka dibna loogu celiyo gudiga maaliyada ee golaha.
Intaasi ka dib waxaa uu gudoonku sheegay in maadaamaa ajendaha xisaab xirka qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ay soo jeediyeen in kulanka maanta laga saaro cod la gelinaayo ka mid ahaanshihiisa ajendayaasha kulanka ,waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha .
Maadaamaa ajendaha Xisaab xirka 2015/2016 uu ka mid noqday ajendayaasha kulanka ayaa Mudanayaasha golaha shacabka waxa ay cod u qaadeen xisaab xirka 2015/2016-ka waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa u mahad celiyay gudoonka iyo mudanayaasha golaha shacabka oo waqti geliyay in xisaab xirkan uu ansax noqdo.
Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in wasaarada maaliyada looga baahanayahay in miisaaniyada 2018,ka ka hor bisha 12-aad ee sanadkan hor keento golaha shacabka.
Ugu dambeyn Xildhibaanada golaha shacabka ayaa cod u qaaday ajendaha labaad ee kulanka oo ahaa hindise sharciyeedka dhismaha gudiga madaxa banana ee la dagaalanka Musuqmaasuqa waxaana shir gudoonka uu ku dhawaaqay natiijada codeynta.
Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa u mahad celiyay gudoonka iyo xildhibaanada golaha shacabka.
Gudoonka golaha shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in wasaaradda cadaaladda looga baahanyahay in golaha ay warbixin uga keenaan halka ay mareyso howsha dhisida golaha adeega garsoorka.
Gudoonka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa soo jeediyay in xisaab xirkan ay xuquuq badan uga maqantahay Ciidanka QS ,Shaqaalaha Dowlada iyo Baarlamaanka sidaasi daraadeedna loo baahanyahay in lagu soo daro miisaaniyada sanadka 2018-ka.


