Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulanka 6-aad Kalfadhiga 8-aad Golaha , iyaga oo la horgeeyay Guddiyada Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa..
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac waxaa uu Golaha Shacabka u gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.
Intaasi, kaddib Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Cod Aqliyabad leh ku ansixiyey Xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuq-maasuqa,, iyada oo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac uu Ansixinta kadib u Mahad celiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa isla Maanta waxaa ay ansixiyeen Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, xubnahaas oo ay horay u ansixiyeen Golihii wasiirada xilgaarsiinta, balse ay mas’uuliyiin farabadan kasoo horjeesteen.



