Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-murtiyeed ku taariikhaysan 27-ka Febraayo 2026, kaas oo ka kooban go’aanno la xiriira xaaladda dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
Goluhu wuxuu cambaareeyay wax-ka-beddelka hal-dhinnaca ah ee lagu sameeyay sharcidarrada dastuurka, isagoo madaxda Dawladda Federaalka uga digay tallaabooyinkaas maadaama lagula xisaabtami doono, Waxay ku adkaysteen in Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay kan rasmiga ah ee dalka, isla markaana aan la samayn karin wax-ka-beddel aan waafaqsanayn sharciga.
Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafk ah si degdeg ah loo qabto, Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay gogol fidin doonaan 10-ka Abriil si looga shaqeeyo badbaadinta dawladnimada, maadaama muddo xileedka labada aqal ee Baarlamaanka uu ku ekaanayo 14-ka Abriil.
Warka ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa u qornaa sidan:-
SHIRWEYNAHA DIFAACA DASTUURKA
Muqdisho, 27/02/2026
WAR-MURTIYEED
Shirweynaha Difaaca Dastuurka Dalka oo ay isugu yimaadeen Golaha
Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka
Federaalka, siyaasiyiin, iyo waxgarad ka socda qaybaha kala duwan ee
bulshada, kuna qabsoomay magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu
tahay 27 Febraayo 2026, ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka
sharcidarrada ah ee Dastuurka ku-meelgaarka ah ee dalka.
Shirweynaha waxaa lagu dhageystay warbixinno iyo caddaymo la xiriira
habraaca qardajeexa ah ee loo maray hannaanka uu Dastuurku dhigayo in dib-
u-eegistiisa iyo wax-ka-beddelkiisa loo maro.
Sidoo kale, shirku wuxuu ka dooday:
1- Muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman
doorashooyinkooda iyo saamaynta taban ee arrimahaasi ku leeyihiin in dalku
si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed;
2- Iyo abaaraha ba’an ee dalka ka jira, kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay
dad iyo duunyo intaba.
Warbixinada lagu soo bandhigay shirweynaha waxay muujinayaan masuuliyad-
darrida madaxda sare ee dalka gaar ahaan Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha
Dastuurka, iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee
hoggaamin lahaa dheelitirka laanta fulinta ay isku kaashadeen ku xadgudubka
Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.
Shirweynaha waxaa sidoo kale la horkeenay caddeymo muujinaya in in ka
badan 50 xildhibaan si sharci-darro ah looga hor istaagay ka qeybgalka
fadhiyada Baarlamaanka, sababo la xiriira mowqifkooda ka dhanka ah
hannaanka aan waafaqsanayn Dastuurka ee loo maray wax-ka-beddelkiisa.
Waxaa si gaar ah loo tilmaamay jebinta qodobbadan:
1) In la baalmaray dhammaan habraacyadii wax-ka-beddelka Dastuurka ee uu
qeexayo Qodobka 134aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
2) In aan la xaqiijin heshiis ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha
Xubnaha ka ah Federaalka ee ku saabsan qodobbada aasaasiga ah, sida:
a) Hannaanka Amniga Qaranka
b) Hannaanka Garsoorka;
c) Nidaamka Maaliyadda Guud;
d) Xadaynta, qoondaynta iyo adeegsiga awoodaha, khayraadka dabiiciga
iyo dakhliga labada heer ee federaalka iyo dawlad goboleedka
3) In aan la qaban la-tashiyo dhab ah oo ay dadweynuhu si macno leh kaga
qeybqaateen doodaha iyo aragtiyada la xariira dib-u-eegista Dastuurka.
Shirweynuhu wuxuu caddeeyay in Dastuurku yahay heshiis bulsho iyo xarigga
isku haya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waana aasaaska
dowladnimada; wax-ka-beddel kasta oo aan sharciga loo marin, isla markaana
aysan u dhammayn dawlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada,
wadatashi wax ku ool ahna lagala yeelan dadwaynaha wuxuu wiiqayaa ujeedkii
dastuurka loo sameeyey, wuxuuna abuurayaa caqabado horleh oo qalalaase
iyo jahawareer ku keena nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.
Go’aannada Shirweynaha:
1) Shirweynuhu wuxuu cambaareynayaa wax-ka-beddelka hal-dhinaca ah
sharcidarradana ah ee lagu sameeyey Dastuurka, wuxuuna madaxda
Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tallaabooyinkaasi,
ayna ogaadaan in lagula xisaabtami doono.
2) In Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay Dastuurka rasmiga ah ee
dalka, isla markaana aan wax-ka-beddel sharci-darro ah lagu sameyn karin.
3) In doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-
dhaafka ah si degdeg ah loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuuradooda iyo
mabaadi’da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha labada heer ee
dowladeed.
4) In maadama madaxweynaha Dowladda Federaalka uu diiday in heshiis laga
gaaro doorashooyinka dalka, muddo xileedka laba aqal ee Baarlamaankuna ku
egyahay 14-ka Abriil, uu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 10-ka bisha Abriil
fidin doono gogol lagu badbaadinayo dawladnimada Soomaaliya.
5) Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed iyo beesha
caalamka in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen



