Gobolka Sanaag oo lagaga dhawaaqay go’aano ka dhan ah Puntland

Degaano ka mid ah gobolka Sanaag ayaa looga dhawaaqay Go’aamo looga soo horjeedo xilka qaadistii maanta xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku sameeyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland  C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed.

Odayaasha iyo qeybaha kala duwan gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan ayaa sheegay in  taageersan yihiin Gudoomiyaha Waxaana ay cod dheer ku sheegeen shacabku in ay taageersan yihiin Dhoobo isla markaasna ay go’aano kasoo saari doonaan kasii mid ahaanshaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayay  sheegeen in uusan wixii haatan ka dambeeya ku xisaabtamin gobolka Sanaag kana tashan doonaan xukuumaddiisa.

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ayaa dhankiisa sheegay in uu dib ugu laaban doono gobolka Sanaag, islamarkaana uu bulshada la yeelan doono kulamo looga hadlaayo weerar uu sheegay in lagu soo qaaday baarlamaanka Puntland