Gen. Maxamuud Maxamed Guuleed oo ku geeryoodey Nairobi

Nairobi-RisaalaFM- Maxamuud Maxamed Guuleed oo horey u soo noqday Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Gudoomiyihii shirkaddii Somali Airlines ayaa ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa maalmahan waxa uu ku xanuunsanayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Allaha u naxariistee Geerida General Maxamuud ayaa waxaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay mid ka mid ah Ehelada Marxuumka.

Madaxda Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka tacsiyadeysay Geerida ku timid Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed.