Gen. Gorod oo booqday Ciidanka ku jira Xerada 54-aad

Garowe-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi wali Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay booqasho ku tagay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa maanta booqday Xerada 54aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxay soo indha indheeyeen wafdiga Taliyaha uu hoggaaminayo qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad  ku jirta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan.

Wuxuu xusay Taliyaha Ciidanka xoogga in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.