Xiriirka kubada cagta Spain ayaa shaaciyay garsoorayaasha qabanaya kulamada isbuucaan ee horyaalka La Liga iyadoo Juan Martinez Munuera loo dhiibay kulanka El Clasico ee u dhaxeeya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ee Camp Nou.
Garsooraha VAR waxaa loo magacaabay Jose Maria Sanchez Martinez.
Xilli ciyaareedkan wuxuu durbaba garsoore u noqday Real Madrid kulankii ay barbaraha goolal la’aanta la galeen kooxda Real Sociedad.
Wuxuu Barcelona garsoore u noqday 21 kulan iyagoo badiyay 15 kulan, seddex barbaro iyo seddex guuldarro. Markii ugu danbeysay ee uu kooxda Catalans garsoore u noqdo waxay aheyd kulankoodii ugu danbeeyay xilli ciyaareedkii hore oo ay 2-0 kaga badiyeen Leganes.
Konton ciyaartoy oo Real Madrid ah ayuu Martinez Munuera u taagay kaadhka hurdiga ah halka Jesus Vallejo uu casaan siiyay, dhanka Barcelona wuxuu kaadhka hurdiga siiyay 49 ciyaartoy.
38 jirkaan ayaa Barcelona iyo Real Madrid u dhigay mid walba shan rigoore kulamadii uu dhexdhexaadiyay.
Waa markii ugu horeysay abid ee uu garsoore looga dhigo El Clasico, taasoo muujineysa in lagu abaalmariyay shaqadiisa fiican ee xilli ciyaareedyadii ugu danbeeyay.



