Garsoore Mark Clattenburg ayaa si cajiib ah uga laabtay go’aankii uu kaga tagay Premier League isagoo garsoore ka sii ahaan doona horyaalka Ingariiska, sida ay sheegayaan qeybo badan oo ka mid ah warbaahinta Ingariiska.
Tababaraha ugu fiican Premier League ayaa weli dhamaadka xilli ciyaareedkan u hayaami doona Saudi Arabia, laakiin waxa uu ogolaaday inuu ugu yaraan afar kulan kale oo Premier League ah uu dhexdhexaadiyo ka hor inta uusan ka tagin UK.
Waxa uu ku dhawaaday isbuucii hore inuu isaga tagayo Britian isagoo ku biiraya horyaalka Sacuudiga halkaasoo uu sannadkii ku helayo 500 kun ginni oo bilaa canshuur ah.
Wargeyska The Sun ayaa sheegay isbuucii la soo dhaafay inuu iska diiday dalab hal milyan ginni sannadkii ah oo uu garsoore kaga noqon lahaa horyaalka Shiinaha.
Clattenburg ayaa la rumeysan yahay inuu isaga tagayo Premier League madaama uu burburay xiriirka u dhaxeeya isaga iyo madaxa garsoorayaasha Mike Riley.
Si kastaba, The Sun ayaa sheegeysa inuu wadahadalo mirodhal ah la yeeshay Riley madaxa garsoorayaasha Ingariiska maalmihii u danbeeyay.
Clattenburg, oo weli qandaraas kula jira xiriirka garsoorayaasha Ingariiska ayaa haatan ogolaaday inuu qabto kulamada qaar ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.
Ilo ay soo xiganeyso The Sun ayaa yiri: “Waxa uu weli aadi doonaa Sacuudi Areebiya laakiin waan arki doonaa mar kale, ugu yaraan seddex ama afar jeer kale ayaan ku arki doonaa Premier League.
“Go’aankiisa hore waxa uu ahaa inuu qabtay kulankiisii ugu danbeysay, laakiin ka dib wadahadalo mirodhal ah waxa uu ogolaaday inuu dhameysto qandaraaskiisa.


