Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi’iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Garsooraha ayaa sheegay in siyaasaddani ay ka baxsan tahay awoodda sharciga ah ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio.
Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Manhattan, Janet Vargas, ayaa sheegtay in siyaasaddan, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo saartay bishii Janaayo, ay tahay mid “si cad u baalmarsan sharciga” isla markaana ka hor imanaysa sharciga federaalka ee socdaalka.
Waxay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibaddu uusan lahayn awood uu ku farageliyo habka bixinta fiisooyinka dadka u soo guuraya Maraykanka ee ay maamulaan saraakiisha qunsuliyadaha.
“Siyaasaddan, oo guud ahaan ka hor-istaagaysa bixinta fiisooyinka dadka soo guuraya iyadoo lagu salaynayo dhalashada qofka codsanaya, ayaa si toos ah uga hor imanaysa sharciga,” ayay Vargas ku qortay go’aankeeda.
Tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xayiraado dhanka fiisaha ah saartay muwaadiniinta dalalka Brazil, Colombia, Uruguay, Bosnia, Albania, Pakistan, Bangladesh, Soomaaliya iyo waddamo kale oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo gobolka Caribbean-ka.
Afghanistan ayaa sidoo kale ku jirta liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay helaan fiisaha. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda saameynta uu go’aankani ku yeelan doono arrimaha socdaalka iyo codsiyada fiisaha ee dadka Soomaaliya.
Dad badan oo reer Soomaaliya ah ayaa sidoo kale wajahaya xayiraado dhanka fiisaha ah oo ka dhashay amar gaar ah oo uu soo saaray Trump.



