Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ayaa xilligaan waxaa uu ku dhowyahay in uu xirmo kadib markii saacadihii la soo dhaafay uu roobka deyrta ka da’ay Magaaladaas iyo tuulooyinka hoostaga.
Dad ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegeen in garoonka ay ka cabsi qabaan in uu xirmo,kadib markii roobka uu bilaawday,isla markaan aay macquul tahay inay biyo fadhiistaan Gudaha Garoonka .
Ma jiraan xiligan dayactar xoogan ku socda garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud, halkaas oo ay xilligaan ka socdaan diyaar garoow loogu jiro doorashada Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.
Sanad kasta markii uu roobka uu ka bilaawdo deegaano badan oo dalka ah ayaa waxaa xirma Garoomo diyaaradeed oo ay kamid yihiin Garoomada Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladweyne ee Gobolkaa Hiiraan.



