Afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ayaa maanta doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen ka dib markii maanta guddiga doorashooyinka garabka Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay doorteen guddoon cusub.
Garabka Gudiga Doorashooyinka Somaliland ee Cabdi Xaashi soo magacaabay ayaa iguna doortay Gudoonkoodii. Gudoomiye waxay u doorteen Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye kuxigeenna waxay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.
Waa doorashadii labaad oo maanta ka dhacda Muqdisho, Rooble uu si buuxda taageeray garabka Mahdi Guuleed.
Xaalad adag ayaa taagan doorashada gobolada Waqooyi.



