Ganacsiga Suuq Bacaad oo dib loo furay

Muqdisho-RisaalaFM- Ganacsiga Suuq Bacaad oo shalay si ku meel gaar ah loo xiray kadib amar ka soo baxay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan, ayaa maanta dib loo furay

Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa Ganacsatada Suuqa waxa ay ku eedeeyeen wadashaqeyn la’aanta Hay’adaha ammaanka, kadib markii maalin kahor halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Canshuuraha ee Dowladda Hoose.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay inaysan iyagu iska xirin suuqa, balse ay sabab u xireen, taas oo ka dhalatay in suuqa dilal laga dhex fuliyo.

Gudoomiyaha waxa uu tilmaamay inay walaac gelisay dilalka ku soo badanaya suuqa iyo sida ay ganacsatada u leedahay ma garanayno kuwa dilalka gaysanaya.

Wuxuu kaloo sheegay in maamulka iyo ganacsatada Suuq Bacaad ay hadda isu soo dhawaadeen, iyagoo isla gartay in wax laga bedelo xaaladihii hore ee jiray, islamarkaana ay ganacsatadu ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan maamulka, wuxuuna shaaciyay in xilligan laga bilaabo uu furan yahay Suuq Bacaad.