Ganacsato eedeyn u jeedisay shirkado ka diiwaan gashan Muqdisho iyo Imaaraadka (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan ku yeeshay Ganacsato Soomaaliyeed oo sida ay shegeen Hantiidooda la lunsaday.

Ganacsatadan ayaa eedeyn u soojeediyay Shirkado Caalami ah oo ka kala diiwaan gashan Imaaraadka Carabta iyo magaalada Muqdisho oo ay hoggamiyaan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ay shegeen in ay ka lunsadeen lacag ka badan 27 Milyan oo Dollar.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada in eedeysanayaasha ay ka dacweeyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir ayna soo xirtay qaar kamid ah eedeysanayaasha balse maalin kadib la siidayay.

Waxa ay sheegeen shaqsiyaadka Qaar in ay joogaan Muqdisho, iyaga oo Dowladda Federaalka ka dalbadeen in ay soo qabato sidoo kalena ay xayiraad ku soo rogto hantida ay heystaan dalkana aysan ka bixin.

Waxay ugu baaqeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya in uu wax ka qabto arrinta taagan xoolahoodana uu u soo celsho.

Intaasi kadib ayaa ganacsatada waxa ay soo saareen war-saxafadeed ka koobnaa ila iyo dhowr qodob oo ay ugu muhiim sanaayeen.

In xukuumadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ay sameeyaan isbedelo waa weyn si aysan khiyaano kale u dhicin Maxkamadahana aysan u sahlan sii deynta cidii dambi gasho.

In Ummadda Soomaaliyeed laga qabto Ganacsatada ku lug leh khiyaano lacageed oo qarameed ah iyo khiyaano lacageed oo caalami ah.