Ganacsatada Gobolka Banaadir oo shaqo joojin ku dhawaaqay

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta  oo ku beegan 18 Agosto inay albaabada isugu laabayaan dhammaan ganacsiga Suuqyada ku yaal magaalada Muqdisho, illaa looga helayo cabashadooda  .

Arintaan ayaa ku soo aadeysa dib markii Wasaaradda Maaliyadda ay soo rogtay canshuuraha iibka loo yaqaan VAT oo laga qaadayo Merchant oo ah akoonada ganacsiga.