Galmudug oo sheegtay in ay diyaarinayso Ciidanka ilaaladda Xuduudaha

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga Dawladda Galmudug uu shalay isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada Tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Amb. Ahmed M. Fiqi ayna ka mid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Md. Cabdisaabir Nuur Shuiriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa ka mid ahaa wasiiradii la hadlay ciidamada lagu xareeyey ee ka kala yimid Cadaado iyo Galinsoor.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaankarroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye.

Waxaa uu sheegay in Ciidankaan loo diyaariyay Saddex shaqo oo kala ah ilaalinta Xuduudaha Galmudug la wadaagto maamul goboleedyadda, dowladda Itoobiya iyo dib u xoreynta degaanada Galmudug iyo sidoo kale soo Afjarida dagaal beeledyada.

Hawsha xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalka ee ay waddo wasaaradda amniga ayaa wajigeedii labaad ka bilowday gobolka Galgaduud ka dib markii maleeshiyaadkii gobolka Mudug lagu guulaystay in la xareeyo loona furey tababar todobaadkii hore.