Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa ku baaqay in la hirgeliyo qodobadii ku saabsanaa nabadeynta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa sheegay muhiim in ay tahay in dhammaan la hirgeliyo qodobadii ka soo baxay shirkii Gaalkacyo, gaar ahaan qodobada saldhiga u ah heshiiskan.
Wuxuu sheegay marwaba ka Galmudug ahaan in ay kago’an tahay Gaalkacyo iyo gobolka Mudug oo hal ah, Puntland dhankoodana ay ka rajeynayaan si la mid ah, si shacabka labada dhinac ay u helaan wada noolaansho.
“Waxyaabaha aan jecelnahay in marlwaba si toos ah loo abaaro ay tahay waxaa ka mid ah heshiiskii shalay, sida in la furo jidadkii iyo magaalada oo kala xirneyd, anaga marlwaba waxaa naga go’an Gaalkacyo iyo Mudug oo hal ah”. Ayuu yiri (Carabey).
Shir qaatay Saddex maalmood ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay kala hogaaminayeen labada Madaxweyne ku xigeen.


