Muqdisho-RisaalaFM- Koox hubeysan ayaa fiidnimadii caawa waxa ay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan Gobolka Banaadir ku dileen Gabar lagu magacaabi jiray Ridwaan Salaad oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliya.
Warkan Risaala waxaa u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.
Dad goobta ka akdhowaa xilligii uu dilka dhacayay ayaa waxa ay inoo sheegeen in Haweeneyda lagu dilay Hoygeeda, kadibna ay baxsadeen kooxdii dilka geysatay, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobaha ay ka dhaceen dilalka ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, illaa iyo haddana faah faahin kama bixin cid lagu soo qabtay.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, balse dilalka nuucaan ah inta badan waxaa sheegta ururka Al-shabaab oo Dagaal kula jira Dowladda Federaalka.
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid wanaagsan, waxaana ciidamada dowladda ay wadeen hawlgallo lagu xaqiijinaayay ammaanka.


