Gaas oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa (SAWIRRO)

Addis-Ababa-RisaalaFM- Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, kadib markii uu maanta ka dhoofay magaalada Garowe.

Safarka Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa yimid kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga iyo saraakiil ka tirsan Xasiifka Ra’iisul Wasaaraha.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kulan gaara kula qaaten qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga ee dalkaasi Ethiopia, iyo Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Ethiopia ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dawladda dhexe ee Ethiopia ayaa waxa uu hordhac u yahay kulamo uu Madaxweynaha Puntland  C/weli Maxamed Cali Gaas la qaadan doono Madaxda ugu saraysa ee dalka Kaasi Ethiopia oo lagaga arrinsan doono arrimo la xiriira ganacsi ee Puntland iyo Ethiopia ka dhexeeya, Ammaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.