Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhawayeeyay howlgallo lagula dagaalamayo xubno xiriir la leh Al-shabaab oo Maalmahan ka soconayay Magaalada Boosaaso.
Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo shir guddoominayay kulan ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay la dagaallanka Al-shabaab iyo dadka u adeega, isagoo Ciidamada ammaankana faray inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda.
Kulanka Golaha Wasiirada Puntland ayaa dhanka kale laga soo saaray digniin la xiriirta in dalka la soo geliyo badeecoyinka dhacay ama aan tayada fiican lahayn, kuwaas oo halis ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed.
C/wali Xersi C/lle (Indha-guran) wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa shirka ku sharaxay qaabka hubinta tayada iyo bad-qadka dhammaan baddeecadaha Dalka soo gelaya si looga ilaaliyo shacabka qatarta iyo waxyeelladooda.
Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambayn faray Wasaaradda ganacsiga in loo sameeyo shacabka iyo ganacsataduba wacyigelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeellada badeecooyinka dhacay ama sumaysan ay u geysanayaan caafimaadka bulshada.



