Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka wada hadleen colaada magaalada Gaalkacyo wayna gaareen Heshiis la doonayo in xal looga gaaro colaada ka jirta magaaladaas.
Qodobada ay ku heshiiyeen Labada Madaxweyne ee kala ah C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Cali Gas ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah la isugu furo isku socodka dadka iyo gaadiidka Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyadoo la kala qaadayo ciidamada.
Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in magaalada la geeyo ciidamo Boolis ah, iyo in bisha Labaad ee sanadkan cusub mar kale la iskugu soo laabto mar kale kulan wada hadal ah.
Heshiikaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland ayaa balan qaaday in ay fulinayaan heshiiskaan ay ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.



