Caawa fiidkii ayaa Gaari nooca dagaalka ee loo yaqaano Cabdi Bilaha oo ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa uu agagaarka Ex-Koontorool Afgooye uu ku jiiray Mooto nooca loo yaqaano Fekonta oo wadada mareysay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Mootada oo mareysay inta u dhaxeysa Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye iyo Sarkuusta uu ku yimid Gaariga Cabdi Bilaha ah,isla markaana uu dardaray,sidaasina ay ku geeriyoodeen Afar Dhalinyaro ah oo saarnaa Mootada oo uu Gaariga Cabdi Bilaha ah dulmaray.
Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ka sokoow Geerida Afarta Dhalinyarada ah ay gebi ahaanba burburtay Mootada labada lug laheyd ee Fekonta oo uu dardaray Gaariga.
Saraakiil Ciidan ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho waxaa ay u sheegeen in askarigii darawalka ka ahaa Gaariga Cabdi Bilaha ah gacanta lagu haayo xabsigana la dhigay.
Si kastaba dilkan loo geystay Afarta dhalinyarada aheyd ee saarnaa Mootada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta barqadii askari katirsan Ciidamada Dowladda uu darawal Bajaajle ahaa uu ku dilay Ex-Koontorool Afgooye



