Gaari Ciidan oo Carruur ku jiiray Muqdisho

Gaari ay leeyihiin Ciidanka dowladda ayaa carruur ku jiiray degmada Shangaani sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Falka ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta gobolka Banaadir, waxaana carruurta uu gaarigu jiiray ay ka yimaadeen Iskuul.

Hal cunug ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay shilkaasi, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa gacanta ku dhigay gaariga Carruurta jiiray oo noociiso yahay Cabdi bile.