Gaari Ciidamo ku rasaaseeyay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM– Wararka inaga soo gaaraya xaafada Xamar Jadiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan koox hubeysan oo watay Gaari in halkaasi au ku rfasaaseeyeen Ciidamo fariisin ku lahaa isgoyska Xamar Jadiid.

Kooxdii weerarka geysatay oo watay Gaari nuuca raaxada ah ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta weerarka kadib.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura ay maqleen Rasaas fara badan, ayna dareemeen amni daro.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda oo ku sugan aagga uu weerarku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in Hal Askari uu ku dhaawacmay weerarkan.