Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in Gaadiid dhuxul u siday Magaalada Muqdisho lagu gubay Gobolkaas.
Saacadihii la soo dhaafay Gawaarida lagu gubay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa Saddex gaari,kuwaas oo dhuxul u soo siday Magalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen gubista Gawaaridaas, hayeeshee majirto wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.
Dowr bilood ka hor ayaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay Gaadiid dhuxul siday ku gubeen Wadada isku-xirta degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn,waxaana gaadiidkaas u soo wareegsadeen dhinaca Shabbeelaha dhexe oo hadana la gubay.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa sara u kacay qiimaha la iibiyo Dhuxusha, kadib markii ay Al-Shabaab mamnuuceen ka Ganacsiga dhuxusha,isla markaana ay gubeen Dhowr gaadiid oo dhuxul siday.



