Francisco Madeira oo booqday Xarunta lagu hayo Dhalinyarada Shabaab ka soo baxday

U qaabilsanaha midowga Afrik Soomaaliya danjire Francisco Madeira  ayaa booqday xafiiska dhaqan celinta dhalinyarada ka soo goosatay Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa la kulmay madaxda xafiiska dhaqan celinta dhalinyarada kasoo baxday Shabaab,waxa uuna kala hadlay xaalada dhalinyaradaas.

Francisco Madeira ayaa balan qaaday in midowga Afrika ay ka qeyb qaadan doonaan xanaaneynta iyo wacgelinta dhalinyarada kasoo baxday Shabaab,ayna midowga Afrika taageero dheeri ah siin doonaan.

Agaasimaha hay’adda Malik Cabdalla ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in ururka midowga Afrika iyo dhamaamba beesha caalamka ay ka sugayaan inay ka garab siiyaan sidii dhalinyaradaan loo bari lahaa xirfado ay ku shaqeystaan.

1 3 2