Ciyaartan oo qaybteedi hore lagu kala nastay 0-0 ayaa markii la isku soo laabtay ay usuurta gashay xidigaha France in ciyaarta hoggaanka u qabtaan.
Waxaana goolkaas u saxiixay daqiiqaddii 51-aad Samuel Umtiti kaas oo madaxa ku dhammaystiray kubbad katimid koornada.
wixii intaas kadanbeeyay xidigaha Belgium ayaa bilaabay weerar aan kala joogsi lahayn kaas oo ay kuqaaden goosha France balse uma aysan suurta galin ay shabaqa gaaraan.
ciyaarta ayana kusoo gabagabowday 1-0 oo ay guushu kurraacday xidigaha France kuwaas oo sugi doona kii soo baxa wadamada Croatia iyo England kii soo gudba.