Firdhiye oo magacaabay wasiiro ku xigeenada Maamulka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa magacaabay 15 wasiir ku-xigeen oo ka mid noqonaya xukuumaddiisa.

 

Xubnahan ayaa ku biiraya 21 wasiir oo hore uu u magacaabay madaxweyne Firdhiye, welina waxaa muuqata in aysan dhameystirnayn xukuumadda Waqooyi Bari.

 

Xubnaha wasiir ku-xigeennada maamulka Waqooyi Bari ee la magacaabay ayaa kala ah;

 

Cabdiqaadir Ibraahim Ciise – wasiir ku-geenka arrmaha diinta iyo dastuurka

2. Cali Axmed Cali – wasiir ku xugeenka arrimaha gudaha.

3- Axmed Daahir Mire – wasiir ku-xigeenka maaliyadda

4- Nimco Faarax Caydiid – wasiir ku-xigeenka caafimaadka

5- Axmed Aadan Siciid (Ayuub) – wasiir ku-xigeenka qorsheynta

6- Cali Daahir Cilmi – wasiir ku-xigeenka amniga

7- Siciid Xaaji Nuur – wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha

8- Cabdale Aadan Cabdi – wasiir ku-xigeenka waxbarashada

9- Nimco Cali Yuusuf – wasiir ku-xigeenka arrimaha qoyska

10- Cabaas Maxamuud Cali – wasiir ku-xigeenka deegaanka & duurjoogta.

11- Maxamed Baashe Maxamuud – wasiir ku-xigeenka hawlaha guud

12- Nimco Axmed Cismaan – wasiir ku-xigeenka ganacsiga

13- Maxamud Cabdullahi Axmed – wasiir ku-xigeenka gargaarka

14- Maxamed Cali Cismaan – wasiir ku-xigeenka shaqada, arrimaha bulshada & ciyaaraha

15- Maxamed Cabdi Caafi – wasiir ku-xigeenka beeraha & waraabka.