Fernando Torres ayaa ku soo laabtay shalayto tababarka Atletico Madrid ka dib muddo gaaban oo uu ku maqnaa dhaawac madaxa ah.
Weeraryahanka reer Spain ayaa cusbital loola cararay Khamiistii hore ka dib markii ay madaxa isku dhufsadeen daafaca Deportivo Alejandro Bergantinos.
Torres oo 32 sanno jir ah ayaana ku miirdaboolmay garoonka dhexdiisa iyagoo asxaabtiisa kooxda ay u soo kala carareen iyagoo ka badbaadiyay inuusan carabkiisa dib u liqin, waxaana baaritaano lagu sameeyay loo sheegay inaysan wax weyn soo gaarin iyadoo cusbitalka laga fasaxay maalintii ku xigtay.
Madaama ay dhakhaatiirta kula taliyeen inuu nasto 48 saacadood, Torres ayaa taribuunka ka soo daawaday kulankii ay kooxdiisa Atletico 3-0 kaga badisay Valencia ee Vicente Calderon ka dhacay Sabtidii.



