Farmaajo“Jirdilka iyo Tacaddiga loo geystay waayeelka Suuqa Siinaay waa Boog Madow iyo Dulmi aan la Aqbalin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay tacaddiga iyo jirdilka loo geystay dadka waayeelka ah ee lagu barakiciyay Suuqa Siinaay, isagoo ku tilmaamay falkaas mid dhaawacaya kalsoonida shacabka ee ku aaddan dowladnimada.

Farmaajo ayaa sheegay in muuqaalada soo baxay ee muujinaya waayeel Soomaaliyeed oo si bahalnimo ah loo jirdilayo ay yihiin boog madow oo aan harayn iyo dulmi weyn oo shacabka Soomaaliyeed uusan marnaba aqbali karin.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay shacabka in ay u istaagaan garab istaagga iyo gurmadka muwaadiniinta nugul ee barakiciyayaasha ah, halka dowladdu iyo hay’adaha amniga uu ugu digay inay ka waantoobaan ku xadgudubka karaamada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.