Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay Taalooyinka Qaranka.
Farmaajo ayaa xariga ka jaray Taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood astaan u ah halgankii xornimadoonka iyo gumaysi-diidka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya sidoo kale ay soo waddo taalooyin cusub oo lagu xusi doono halgameyaashii Soomaaliyeed ee sidoo kale dalka soo maray.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay dadaal badan ku bixisay dib u habeynta Xarumihii lagu xasuusan jiray halgameyaashii Soomaaliyeed.



