Madaxweyaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf ayaa Maanta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Galmudug guushii uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado.
Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa kala hadlay Madaxweyne Farmaajo Shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada London ee looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya.



