Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha dalka ka jira ay si xoog leh u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof.
Wuxuu tilmaamay in dadkaasi aysan helin gurmad ku filan xaalada ay ku jiraan, taas oo muddo laba sano ah soo jiitamaysay.
Madaxweynuhu wuxuu baaq u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada, ganacsatada iyo qurba-joogta, isaga oo ugu yeeray in ay u midoobaan gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Sidoo kale, wuxuu madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ku adkeeyay in ay dardar geliyaan dadaallada samatabixinta, isagoo Beesha Caalamka ka dalbaday inay kordhiyaan kaalmooyinka bini’aadantinimo ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu Alle uga baryay inuu dalka ka dulqaado duruufaha adag, isla markaana uu ku maneysto nimcada roobka oo nolosha bulshada Soomaaliyeed aad ugu tiirsan tahay.
Abaarta ka jirta dalka ayaa gaartay heer aad u daran, iyadoo ay si weyn u saameeyeen bulshooyin badan oo ku nool gobollo kala duwan.
Waxaa sare u kacay barakaca, biyo la’aanta, cudurrada ka dhasha nadaafad darrada, iyo burburka dhaqaale ee xoolo-dhaqatada.
Meelaha ugu daran ee ay abaartu ka jirto waxaa ka mid ah, Deegaanada Puntland, Somaliland, Waqooyi Bari iyo deegaano kale oo dalka ka tirsan
Kumannaan qoys ayaa maanta wajaha xaalad halis ah oo u baahan gurmad degdeg ah, iyadoo kaalmooyinka caalamiga ah ay hoos u dhaceen isla markaana aysan daboolin baahiyaha jira.



