Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hada booqanaya Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii maanta ka dhacay Degmada Wadajir.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay in goor dhow Madaxweynaha uu ku wajahan yahay Isbitaalada la dhigay dhaawacyadii maanta, gaar ahaan Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dadka ugu badan, si uu ula socda xaalada caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkaasi.
Ciidanka NISA ayaa caawa xiray wadada Tarbuunka ilaa Sanca, iyagoo dadka ku amraya in ay soo bixiyaan aqoonsiyadoodada, sidoo kalena si feejigan u baaraya Gawaarida ay wataan dadka shacabka ah.
Waxaa sidoo kale caawa xiran wadada Banaadir ilaa Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo lagu arkayo Ciidamo NISA ka tirsan oo wajiyada xiran, kuwaasi oo aad u adkeynaya ammaanka, maadaama caawa Madaxweynaha uu tagayo Isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii maanta.


