Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM in muddo labo sano ah in ay kusoo Afjaraan dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka AMISOM laga doonaya in a muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya.
Dowladd Soomaaliya ayuu sheegay in ay xiriir wanaagsan ay la yeelanayso Ciidamada AMISOM si Al-Shabaab looga Guuleysto.
” Hadafkeenu waa in ay aanu si wadajir ah u shaqeyno si aan u jabino Al-Shabaab , islamarkaana dagaalka lagu jiro Al-Shabaab aan kusoo Afjarno labo sano” ayuu yiri Farmaajo.
Gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira, ayaa sheegay in ay balan qaadayaan in ay qaadaan tilaabo walbe oo labada sano ee socota Al-Shabaab looga guuleysan karo.


