Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku duubnaadaan oo ay ka shaqeeyaan dib u dhiska Wadankooda.
Madaxweyne Farmaajo oo bartiisa Facebooka ku so qoray hadal kooban ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidammada Ammaanka.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ayna garab siiyaan si ay u gutaan waajibkooda.
Sidoo kale Hay’adaha dowladdu ayuu ku dhiirageliiyay in ay kasoo baxaan xilka saaran oo ay u adeegaan Shacabka sida ugu hufan uguna deg dega badan.
“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si ay waajibaadkooda u gutaan, Hay’adaha Dowladda waxaa laga doonayaa in ay ka soo baxaan shaqadooda, oo ay u adeegaan shacabka”. Ayuu yiri Farmaajo.



