Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Shabaab in ay mar walba dhibaato u geystaan shacabka, si taasi looga hortagana ay muhiim tahay in la helo wada shaqeyn wadajir ah.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay Xukuumadda, Baarlamaanka iyo guud ahaan Dowladda in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa amni buuxa.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay sugidda ammaanka in uusan saarneyn Dowladda Federaalka oo keliya, balse laga doonayo shacabka Soomaaliyeed in ay soo sheegaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab.
Wuxuu sheegay hadii amni la helo in uu kobcayo dhaqaalaha dalka, Dhalinyaradana ay helayaan shaqooyin, si taasi loo gaaro ayuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga.
“Marka laga hadlayo amni, Dowladdu waa sax iyadaa loo wakiishay, oo laga rabaa in ay Ciidamadii abaabusho, laakiin amniga Dowladda iyo Ciidamada keliya ma saarna, balse shacabka waxaa looga baahan yahay in ay soo sheegaan meelaha ay ku dhuumaleysanayaan Shabaab, si looga hortago shacabka masaakiinta ah ee la dhibaateynayo”. Waxaa sidaas yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hay’addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay hawlgalada suggida ammaanka caasimadda, si looga hortago weerarada iyo Qaraxyada Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.



