Fallanqeynta Kullanka Man City vs Huddersfield Town

Pep Guardiola iyo Manchester City ayaa ku ciyaari doona gurigooda kulankoodii ugu horeeyay difaacashada horyaalka Premier League marka ay martigelinayaan galabta kooxda Huddersfield Town.

Naadiga Guardiola oo ku guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkii 2017-18, ayaa haatan cadaadis xoog leh  kala kulmaya kooxaha kale ee kula xifaaltamaya hanashada horyaalka.

City ayaa 2-0 ku garaacday Arsenal Isbuucii lasoo dhaafay, iyadoo Huddersfield qasaaro 3-0 ay kasoo garatay Chelsea oo kujirta qaab ciyaareed sarre.

Tababare Guardiola ayaa kusoo laaban doona saf uu ka maqan yahay Kevin De Bruyne marka uu wajahayo kooxda Huddersfield Town.

XOGTA KULANKA

Manchester City ayaa 26 jeer garaacday Huddersfield, oo dhankeeda badisay 22 kulan, iyadoo inta badan kale oo ah 30 kulan ay ku kala baxeen barbaro.

City ayaa 2-1 ku garaacday Huddersfield bishii November ee sanadkii hore, laakiin Terriers kooxda lagu neynaaso ayaa barbaro goolal la’aan ah ku celisay City bishii May.

MAXAA CUSUB?

Kooxda Guardiola ayaa si fudud u garaacday Arsenal, iyadoo ay ka maqan yihiin De Bruyne, Leroy Sane iyo Gabriel Jesus oo dhamaan kursiga keydka kusoo bilowday.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium De Bruyne ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex bilood ah ka dib markii uu dhaawac jilibka kusoo gaaray tababarka kooxdiisa.

Jesus ayaa kusoo bilaaban kara kadib bandhigii xumaa ee Sergio Aguero ka sameeyay kulankii London, inkastoo Bernardo Silva iyo Benjamin Mendy booskooda sii heysan karaan kadib qaab ciyaareedkii quruxda badnaa oo ay ka sameeyeen kulankii Gunners.

David Wagner waxaa ka maqan Erik Durm iyo Danny Williams, laakiin Isaac Mbenza ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay.

Safafka macquulka ah

Man City: Ederson; Walker, Stones, Kompany, Mendy; Fernandinho, B. Silva, Mahrez; Sterling, Sane, Aguero

Huddersfield: Hamer, Jorgensen, Schindler, Kongolo, Hadergjonaj, Mooy, Hogg, Billing, Lowe, Depoitre, Mounie.

Ciyarataan waxaa la daawan doonaa 3:30 Galabnimo.