Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa labaduba guuleysatay ciyaarihii ugu dmabeeyay oo ay ka ciyaareen Group A si ay usoo nooleeyaan rajadooda ah in ay u soo baxaan Semi-finalka koobka CECAFA Senior Challenge Cup ee ka socda dalka Uganda.
Eritrea ayaa si sahlan 3-0 uga adkaatay Djobuti ciyaartii ugu horeysay ee ka dhacday garoonka StarTimes jimcihii.
Ali Suleman Ibrahim ayaa u dhaliyay Eritrea labo gool kahor inta uusan Isayas Abreham Goytom uu midka kale helin.
Omar Abdulahi ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Soomaaliya ay kaga badisay 1-0 xulka Burundi ciyaartii ku xigtay isla isla garoonkaas ka dhacday.
Hada, Ereteriya waxay leedahay lix dhibcood, sedexna waa ay ka hooseysaa wadanka martigelinaya ee Uganda.
Soomaaliya waxay diiwaangelisay guushoodii ugu horreysay, taas oo ka dhigan inay afar dhibcood leeyihiin.
Burundi waxaa soo gaartay guuldaradoodii afaraad ee ololahaan taasoo la micno ah inay isaga hareen tartanka.
Midkasta oo ka mid ah Ereteriya ama Soomaaliya ayaa u soo bixi kara semi-finalka si ay ugu biiraan Uganda ooh ore ugu soo baxday Group-kaan.
Axadda manata ah, Ereteriya ayaa wajihi doonta Soomaaliya iyada oo xulkii badiyaa uu kula biiri doono Uganda semi-finalka tartankaan.
Ugandha waxay dooneysaa inay kalainta koowaad ee group-ka A kusoo baxday waxaana ay kaliya u baahan tahay barbaro kaliya ama guul kulanka ay wajahayaan Jabuuti.
W/Q Xasan Cabdi Axmed



