FALANQEYNTA: Real Madrid vs Roma – kooxda Zidane oo markii lixaad oo xiriir ah kusii jeeda sideed dhamaaadka – Giallorossi oo mucjiso u baahan+xaqiiqo kastaa oo ciyaarta ah

iyagoo ugu cadcad inay u gudbaan wareega quarter-finalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii lixaad oo isku xiga.

Madrid ayaan laga badin sideed kulan oo xiriir ah oo ay la ciyaartay lugta labada wareega 16-ka, kooxaha Serie A, laakiin goolal lugta hore ay dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Jesé ayaa waji kale u yeelay ciyaartan..

Zinedine Zidane waa kulankii ugu horeeyay UEFA Champions League isagoo macalin u ah gurigiisa uu ku ciyaaro, isagoo ku guuleystay ciyarayahan ahaan tartankan markii ugu dambeysay sannadkii 2002, waxaana uu dhaliyay goolkii guusha ee finalkaas.

Roma ayaa sidoo kale tababaraheeda badashay bilowgii sannadkan waxaana Rudi Garcia lagu bedelay Luciano Spalletti, kasoo ka caawiyey kooxda Serie A in ay ka gudbaan Madrid markii ugu danbeysay ee ay ku kulmaan tartankan labada koox.

Kulanka: Real Madrid vs Roma

Saacada: 10:45 PM

Faaqidaada kulanka

  • Ka hor xilli ciyaaredkan ,labada kooxood ayaa sideed jeer ku kulmay tartankaan UEFA afar guul waxaa gaartay Madrid, saddex waxaa badisay, Roma midka kalana barbaro.
  • Labada kooxood ayaa kulan saxiibtinimo ku kulmay diyaar garowgii xili ciyaaredkan Melbourne 18 July sannadkii hore. Roma ka ayaana ku adkaatay 7-6 rigoorayaal ka dib barbaro 0-0 ah oo ay isla dhaafi waayeen, Seydou Keita ayaana laadka guusha dhaliyay ka dib markii Morgan De Sanctis uu ka badbaadiyey Lucas Vazquez ladkii ugu dambeeyay Madrid.
  • waxay kulan rasmi ah markii ugu danbeeyay ku kulmeen wareega 16-ka UEFA Champions League 2007/08 markasoo Spalletti Roma uu u diwan geliyay guul marti ah.
  • lugta kowaad waxay ka dhacday Stadio Olimpico ,inkastoo Raúl González uu gool u dhaliyay Madrid, Roma ayaa degdeg kaga jawaabtay David Pizarro iyo Mancini ayaana dhliyay labada gool ee guusha,
  • Raúl ayaa mar kale dhaliyay lugtii labaad goolka barbaraha ee Roma looga soo celiyay gool uu u dhaliyay bilowgiiba Rodrigo Taddei , Madrid ayaana kulankaasi waxaa casaan ka qaatay Pepe , waxaana Roma guusha usii adkeeyay ninka keydka kasoo kacay ee Mirko Vucinic markasoo isku celcelis  4-2 ay ku gudubtay Roma.

Hiigsiga labada koox

Real Madrid

  • Ka dib markii ay kasoo baxeen Group A, Madrid ayaa dooneysa in ay gaarrto muuqaalkii lixaad oo isku xigta quarter-final.
  • Madrid ayaa ku xaaqday Malmö FF 8-0 kulankooda ugu danbeysay ee tartankan ay ku ciyaaraan gurigooda bishii December – waxay aheyd guushoodii ugu weyneyd 24 sano kadib ay ka gaaraan UEFA Champions League.,Guud ahaan waxay dhalisay 13 gool ,iyadoo wax gool ah laga dhalin saddexdii kulan ee wareega group-yada ay ku ciyaareen gurigooda.
  • Merengues ayaa badisay 21 ka mid ah 30 kulan oo ay garoonkooda kula ciyaareen kooxaha kasoo jeeda talyaaniga, saddex barbaro iyo lix guuldarro ayay sidookale u raaciyeen.
  • Madrid ayaa guuldaro ay kasoo gaartay UEFA Champions League marka ay marti uu ahaayeen Juventus, iyagoo barbaro 1-1 ah lugta labaad galar ,markasoo isku celelis loogu reebay 3-2 semi-finalka xilli ciyaareedkii hore.
  • Madrid ayaan laga badin sideed kulan oo knockout lugta labaad oo ay wajahday kooxaha Serie A. guuldaradii ugu dambeysay 1987/88 European Champion Clubs ‘Cup waxay kasoo gaartay SSC Napoli (wadar ahaan labada lug 3-1 ku badisay). Emilio Butragueno, oo hadda ah agaasimaha kooxda,ah ayaa gool dhaliyay kulankii barbaraha 1-1 ee lugtii labaad ee Napoli.

Roma

  • Roma ayaa raadineysa inay gaarto UEFA Champions League quarter-finals markii ugu horeysay tan iyo 2008.
  • Waxay kasoo baxday Group E , waxaana kulankii ugu dambeeyay ee group-ka wajahday FC Barcelona, ​​inkastoo ay badiyeen hal kulan oo keliya kulamadii heerka group-yada.
  • Roma dhalisay toddobo gool saddexdii kulan ee Group E ay ku ciyaareen guurigooda ,lakiin waxaa laga dhaliyay 13 – oo ay kujirtay guuldaradii 6-1 ee Barcelona 24 November. Recordkooda guud ahaan ee kooxda reer Spain waa: 3 guul, 6 barbaro iyo 3 qasaaro.
  • Giallorossi waxaa ugu danbeysay guriga in ay ku guuleystaan UEFA Champions League markii ay garaaceebn FC Basel November 2010.
  • Roma ayaa kaliya mid ka mid ah badisay shantii kulan ee tartamada UEFA lugtii hore ay ku ciyaareen gurigooda,

Xaqiiqada kulanka

  • Casemiro iyo Ramos ayaa hal jaale u jira in ay ganaax ku maqnadaan kulanka kale ee kooxdooda.
  • Ronaldo ayaa dhaliyay afar gool kulankii 7-1 guul darro ah ay gaarsiiyeen Madrid Celta Vigo waa ninka labaad ee tariikhda ugu goolasha badan La Liga 252 gool ayuu dhaliyay,
  • The Whites ayaa sideed kulan oo uu hogaamiyay Zidane – waxaa kaliya laga badiyay hal mar oo ay Atlético garaacday 27 February.
  • Benzema ayaa dhaawac muruqa ah uu kasoo gaaray qeybtii ugu horeysay kulankii Atlético waxaana uu seegi karaa kulankaan markale ,Luka Modric (canqowga) ayaa sidoo kale shaki uu ku jiraa, halka Marcelo iyo Bale ay diyaar u yihiin kooxda Madrid kursiga keydka kulankii Celta.
  • De Rossi iyo Radja Nainggolan ayaa jaale u jira in ayseegaan kulanka kale ee Roma..
  • Roma ayaa badisay toddobadii kulan ee ugu danbeysay Serie A, iyagoo baxsad ugu fiican horyaalka kujira mana badin sagala kulan oo xiriir ah tan iyo March / April 2014.
  • Stephan El Shaarawy ayaa dhaliyay shan gool oo Serie A tan iyo markii uu ku biiray Giallorossi bishii January. Weeraryahanka ayaa usoo ciyaaray AS Monaco FC qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan.
  • Miralem Pjanic ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa mustaqbalkiisa ciyaareed.
  • De Rossi ayaa waxaa garoomada uu ka maqnaanayaa muddo afar isbuuc ah ka dib dhaawac kubka ah oo soo gaaray intii uu socday kulankii Madrid ee lugta hore.
  • Kevin Strootman, ayaa markale dhaawac jilibka ah wajahaya,