Faaqidaada kulanka xiisaha iyo xamaasada leh ee Malaga v Real Madrid

Real Madrid ayaa u baahan kaliya hal dhibic marka ay la ciyaarayaan kooxda Malaga caawa si ay ugu guuleysto horyaalkii ugu horeysay tan iyo 2012-kii,

Los Blancos ayaa saddex dhibcood ka sareysa kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, laakiin Blaugrana waxa ay heysataa rikoorka faa,iidada is araga labada koox, sidaa darteed waxay u baahan tahay in Real Madrid lagu soo garaaco La Rosaleda Stadium.

Gareth Bale ayaa ku soo laabtay kooxda Real Madrid ee kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga usafreysa kooxda Malaga caawa.

OGEYSIISKA CIYAARTA

  • Kulanka: Malaga vs Real Madrid.
  • Saacada: 9:00 PM
  • Garoonka: La Rosaleda, Malaga, Spain.

Ninka reer Wales oo 27 jir ah, ayaa seegay todobadii kulan ee la soo dhaafay kooxdiisa, ka dib markii dhaawac muruqa ah uu kasoo gaaray kulankii Barcelona ee 23 April.

Zinedine Zidane ayaa u baahan hal dhibic marka uu la ciyaarayo kooxda Malaga si uu u dhameystiro horyaalkiii ugu horeeyay ee Real Madrid ku guuleysato tan iyo 2012.

Bale ayaa ku soo laabtay tababarka todobaadkii la soo dhaafay, laakiin ma uusan ka qeyb qaadan kulankii 4-1 ay kooxdiisa kaga badiyeen Celta Vigo.

Guushaas ayaa Madrid siisay in ay saddex dhibcood oo nadiif ah hogaanka kaga qabato kooxda kaalinta labaad ee Barcelona, kuwaasoo caawa ku martigelineya Eibar garoonka Camp Nou.

MAXAA CUSUB?

Bale ayaa kusoo laabtay safka Real Madrid, halka Rodriguez diyaar uu unoqon doono inuu ciyaaro kulankiisii ugu dambeeyay ee Real Madrid.

daafaca midig ee Dani Carvalhal ayaa kusoo laabtay kooxda Real Madrid ka dib dhaawac muruqa ah oo uu kooxda kaga maqnaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Malaga ma qabto wax dhaawac cusub ah kulanka ay soo dhaweynayaan hogaamiyaasha La Liga caawa.

  • XAQIIQADA KULANKA

Real Madrid ayaa ku guuleysan karta markii 33th horyaalka La Liga iyo markii ugu horeysay tan iyo 2011/12, iyadoo Jose Mourinho uu ahaa tababarihii ugu dambeeyay ee uqaaday Madrid La Liga.

Real Madrid ayaa dhalisay 63 kulan oo xiriir ah gool tartamada oo dhan, waa rikoorkii ugu dheeraa taariikhda koox sameyso shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Real Madrid ayaa goolal ka dhalisay dhamaan kulamada ay ciyaartay hal xilli ciyaareed La Liga waana markii ugu horeysay abid.

Zinedine Zidane ayaa laga yaabaa in uu noqdo ciyaaryahanka lixaad ee Real Madrid usoo ciyaaray oo isagoo tababare ah ku guuleysta La Liga,  ka dib Bernd Schuster, Vicente del Bosque, Jorge Valdano, Luis Molowny iyo Miguel Munoz.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 15 gool 15 kulan oo La Liga uu ku wajahay kooxda Malaga.

  • SHAXDA MACQUULAK AH

Málaga (4-5-1): Kameni; Ricca, Luis Hernández, Demichelis, Miguel Torres; Camacho. Recio, Fornals, Jony, Keko; and Sandro.

Real Madrid (4-4-2): Keylor Navas; Marcelo, Ramos, Nacho, Danilo; Casemiro, Kroos, Modric; Isco, Ronaldo and Benzema.